AQOONSIGA XISBIGA, ARAGTIDA IYO MABAADI'DA GUUD
HILAAC POLITICAL PARTY:
Hal-ku-dhig
"Wax-soo-saar, Warshado iyo Barwaaqo."
Xisbiga Hilaac Political Party waxaa la aasaasay iyadoo laga duulayo baahida loo qabo isbeddel qaran oo horseeda Soomaaliya nabad ah, midaysan, caddaalad ku dhisan, isla markaana leh dhaqaale xooggan oo ku salaysan wax-soo-saarka gudaha iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.
Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay soo martay caqabado ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye, burbur hay'adeed, amni-darro, musuqmaasuq, shaqo la'aan, iyo ku tiirsanaan dhaqaale dibadda ah. Inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn, Soomaaliya waxay weli leedahay fursado aad u ballaaran oo ay ku noqon karto mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika.
Dhul beereed ballaaran, xeebta ugu dheer Afrika, xoolo nool oo tiro badan, shidaal, gaas dabiici ah, macdano kala duwan, iyo dad hal-abuur leh ayaa ah saldhigga horumarka mustaqbalka. Haddii si hufan loo maareeyo khayraadkan, Soomaaliya waxay noqon kartaa dal isku filan, shaqo-abuur badan leh, isla markaana door muuqda ku leh dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.
Xisbiga Hilaac Political Party wuxuu rumeysan yahay in dowladnimada wanaagsan, caddaaladda, amniga, iyo koboca dhaqaaluhu ay yihiin tiirarka lagu dhisi karo qaran xooggan.
Aragti (Vision)
In la dhiso Soomaaliya isku filan, dhaqaale ahaan xooggan, kana faa'iidaysata khayraadkeeda dabiiciga ah si ay u gaarto horumar waara, shaqo-abuur iyo nolol wanaagsan oo ay helaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale In la dhiso Soomaaliya:
• Midaysan.
• Nabad ah.
• Caddaalad ku dhisan.
• Dhaqaale ahaan isku filan.
• Ka faa'iidaysata dhammaan khayraadkeeda.
• Noqota xarunta ganacsiga iyo wax-soo-saarka Geeska Afrika.
• Leh bulsho aqoon, caafimaad iyo shaqo leh.
Himilo (Mission)
Xisbiga Hilaac Political Party wuxuu u taagan yahay hirgelinta siyaasad dhaqaale oo ku dhisan kobcinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta beeraha, xoolaha nool, kalluumeysiga, shidaalka, macdanta, iyo dhismaha warshado casri ah oo kor u qaada qiimaha wax-soo-saarka dalka, sidoo kale Xisbiga Hilaac Political Party wuxuu u taagan yahay:
• Dib-u-dhiska hay'adaha dowladda.
• Kobcinta wax-soo-saarka gudaha.
• Horumarinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, shidaalka iyo macdanta.
• Hirgelinta Kacaanka Warshadaha Soomaaliyeed.
• Sugidda amniga qaranka.
• Xoojinta garsoorka madax-bannaan.
• Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka.
• Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
• Soo celinta sharafta iyo heybadda Soomaaliya.
Tiirarka Dhaqaalaha
Xisbiga wuxuu mudnaanta siinayaa:
• Horumarinta beeraha iyo sugidda amniga cuntada.
• Casriyeynta xoolaha nool iyo warshadaynta hilibka, caanaha iyo hargaha.
• Ka faa'iidaysiga kalluumeysiga si waafaqsan ilaalinta khayraadka badda.
• Baarista iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska si hufan oo danta qaranka lagu ilaaliyo.
• Soo saarista iyo farsamaynta macdanta si ay u noqoto il dhaqaale oo waarta.
• Dhiirrigelinta maalgelinta gudaha iyo dibadda.
• Taageeridda ganacsatada yaryar, dhexe iyo kuwa waaweyn.
Kacaanka Warshadaha:
Xisbiga Hilaac Political Party wuxuu rumeysan yahay in horumarka dhabta ah lagu gaari karo Kacaanka Warshadaha Soomaaliyeed, kaas oo saldhig u noqonaya:
• Dhismaha warshado lagu farsameeyo wax-soo-saarka beeraha.
• Warshadaha hilibka, caanaha, hargaha iyo kalluunka.
• Warshadaha bacriminta, baakadaynta iyo kaydinta wax-soo-saarka.
• Abuurista aagag warshadeed oo gobollada dalka laga hirgeliyo.
• Kobcinta tiknoolajiyada, hal-abuurka iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.
Yoolalka Xisbiga:
• In Soomaaliya noqoto dal isku filan oo wax soo saarkiisu daboolo baahida shacabka.
• In la abuuro boqolaal kun oo fursado shaqo.
• In la kordhiyo dhoofinta badeecooyinka Soomaaliyeed.
• In la yareeyo ku tiirsanaanta wax-soo-dejinta.
• In la dhiso dhaqaale adag oo ku saleysan wax-soo-saarka gudaha.
Falsafadda Xisbiga:
Falsafadda Hilaac Political Party waxay ku dhisan tahay hal mabda' oo weyn:
"Dalka waxaa lagu horumarin karaa oo keliya marka la mideeyo shacabka, la ilaaliyo sharciga, lana kobciyo wax-soo-saarka iyo warshadaha gudaha."
Waxaan aaminsanahay in dowladdu aysan noqon kaliya maamul bixiya adeegyo, balse ay noqoto hormuudka kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta caddaaladda, iyo hagidda horumarka qaranka.
Qiyamka Xisbiga:
• Wadaniyad.
• Daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
• Caddaalad iyo sinnaan.
• Shaqo iyo wax-soo-saar.
• Midnimo qaran.
• Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
• Horumar waara.
Hilaac Political Party wuxuu aaminsan yahay in koboca dhaqaalaha Soomaaliyeed uu ka bilaabmo ka faa'iidaysiga khayraadka gudaha, kordhinta wax-soo-saarka, iyo dhismaha warshado casri ah oo Soomaaliya u horseeda isku filnaansho, shaqo-abuur iyo barwaaqo.
Tiirarka Siyaasadda Xisbiga:
Siyaasadda Hilaac Political Party waxay ku dhisan tahay toddobo tiir:
Tiirka1: Dhaqaale Wax-soo-saar Ku Salaysan
Waxaan mudnaanta siin doonaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, warshadaha, shidaalka iyo macdanta.
Tiirka2: Dowladnimo Adag
Hay'ado dowladeed oo hufan, sharci ku shaqeeya, isla markaana shacabka u adeegaya.
Tiirka 3: Caddaalad iyo Garsoorka:
Garsoor madax-bannaan, sharci loo siman yahay, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Tiirka 4: Amni
Ciidan qaran oo mideysan, boolis casri ah, iyo nabad waarta.
Tiirka 5: Horumarinta Aadanaha
Waxbarasho tayo leh, caafimaad loo siman yahay, iyo horumarinta xirfadaha.
Tiirka 6: Kaabayaasha Dhaqaalaha
Dhismaha iyo casriyeynta waddooyinka, dekedaha, garoomada diyaaradaha, buundooyinka, tamarta iyo biyaha.
Tiirka 7: Sharaf iyo Heybad Soomaaliyeed
Dhisidda qaran leh sumcad caalami ah, diblomaasiyad firfircoon, iyo ilaalinta dhaqanka iyo aqoonsiga Soomaaliyeed.
Ballanqaadka Xisbiga:
Hilaac Political Party wuxuu ballanqaadayaa:
o In khayraadka dalka loo maareeyo si caddaalad ah.
o In la abuuro fursado shaqo oo joogto ah.
o In la ciribtiro musuqmaasuqa.
o In la dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo dibadda.
o In la ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
o In la dhiso dowlad ay shacabka ku kalsoon yihiin.
Gunaanad:
Xisbiga Hilaac Political Party wuxuu rumeysan yahay in Soomaaliya ay leedahay awood iyo khayraad ku filan inay noqoto dal hormuud u ah Afrika. Waxa loo baahan yahay waa hoggaan leh aragti fog, maamul hufan, iyo qorshe cad oo isku xira nabadda, caddaaladda, wax-soo-saarka, iyo horumarinta dadka.
Manifesto-gani waa ballanqaad qaran oo lagu hagayo dib-u-dhiska Soomaaliya, laguna xaqiijinayo mustaqbal ay ku naaloodaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

